Multicultural Health Connect
Select language: English, አማርኛ (Amharic), (Arabic) العربية , (Dari) دری, Thuɔŋjäŋ (Dinka), Ελληνικά (Greek), 简体中文 (Simplified Chinese), 繁體中文 (Traditional Chinese), Somali (Somali), Tiếng Việt (Vietnamese)
Ma u baahan tahay macluumaad caafimaad
iyo talooyin luuqadaada ah?
Wac Xidhiidhka Caafimaadka Dhaqamada Kala Duwan (Multicultural Health Connect)
1800 186 815
Waxaa laga heli karaa Victoria
11:30 subaxnimo ilaa 8-da habeennimo, 7 maalmood todobaadkii
Waa maxay Multicultural Health Connect?
Multicultural Health Connect waa khad caawimaad oo aad wici karto si aad macluumaad caafimaad iyo talo luqadaada ah uga heshid shaqaalaha fahmaya dhaqankaaga. Adeegga hadda waxa laga heli karaa Victoriaa oo keliya.
Yaa isticmaali kara Multicultural Health Connect?
Adeegan waxaa loogu talagalay dadka dhaqamada kala duwan ee ku nool Victoria kuwaas oo qaba su'aalo ku saabsan caafimaadkooda una baahan macluumaadka adeegyada caafimaadka.
Waa maxay taageerada laga heli karo khadka caawimaada?
Waxaad wici kartaa Multicultural Health Connect si aad:
- u heshid adeegyo caafimaad sida dhakhaatiir, isbitaallo iyo xarumaha caafimaadka bulshada
- uga heshid kalkaaliso talo caafimaad.
- si fiican u fahantid nidaamka caafimaadka Australia, oo ay ku jiraan Medicare iyo caymiska caafimaadka gaarka ah
- si aad wax uga baratid COVID-19, oo ay ku jirto sida loo maareeyo cudurka, tallaalada COVID-19, is-go'doominta iyo xiriirka dhow (close contacts).
Goormaan wici karaa Multicultural Health Connect?
Wac 1800 186 815 inta u dhaxaysa 11:30 subaxnimo ilaa 8-da habeenimo, 7 maalmood todobaadkii, oo ay ku jiraan maalmaha holiday ga ah.
Maxaa dhacaya markaan waco khadka caawinta?
Taleefanka waxaa ka jawaabi doona shaqaale tababaran oo ku weydiin doona su’aalo, oo ay ku jirto luqadda aad rabtid inaad ku hadasho. Khadka caawinta waxa uu leeyahay turjubaano 160 luqadood ku hadla.
Haddii aad u waceysid sababo la xiriira walaac caafimaad oo adiga ama qof kale ah, kalkaaliso caafimaad oo ka socota khadka caawinta ee healthdirect ayaa kusoo biiri doonta taleefanka. Kalkaalisadu waxay ku waydiin doontaa su'aalo ku saabsan calaamadahaaga (symptoms) jirrada waxayna kugula talin doontaa waxaad samayn lahayd marka xigta.
Shaqaaluhu waxay sidoo kale kaa caawin doonaan inaad hesho adeegyada caafimaadka aad u baahan tahay.
Yaa bixiya adeegga turjubaanka?
Adeegga Fasiraada iyo Turjubaanka (Translating and Interpreting Service) ayaa sahla dadka soo wacaya inay helaan turjubaano.
Soo deji ilaha macluumaadka suuq-geynta (marketing resources) ee ku saabsan adeeggan, oo ay ku jiraan buug-yaraha la turjumay iyo hantida warbaahinta bulshada, ee loogu talagalay bulshada xaafadaada.
Last reviewed: June 2022